Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo Tagay Kismaayo


Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Inkasta oo madaxweynaha uu Kismaayo tagay, ayaa haddana waxaa mar kale dib u dhacay furitaankii shirka Madasha.

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in mar kale uu dib u dhacay shirkii Madasha Wadatshiga Qaran oo lagu waday inuu furmayo tan iyo maalintii Isniintii.

Ka sokow dib u dhaca shirka, waxaa magaalada maanta tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay soo furay shirkii Jowhar.

Madaxweynaha oo hadlay markii uu tagay Kismaayo ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirka Kismaayo ay kasoo baxaan wax Soomaalida oo idil ay ku wadai qanci karto oo looga gudbo 2016-ka.

Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa sidoo kale ku sugan guddoomiyaha baralamanka Soomaaliya, ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Weriyaheena Khadar Maxamuud Xareed, ayaa warbixintan nooga soo diray Kismaayo.

Madaxweyne Xasan oo tagay Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00

XS
SM
MD
LG