Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IRAN Oo Sii Deysay Ciidamo Mareykan Ah


Ciidamada oo ahaa 10 askari oo kuwa badda ah ayaa Iran ay qabatay shalay markii ay soo galeen biyaha caalamiga ah ee dalkaas.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa arbacada (1/13/2016) sheegay in 10 ka tirsan badmaaxiyiinta ciidamada badda Mareykanka la sii daayey, maalin kadib markii ay galeen biyaha caalamiga ah ee Iran.

Bayaan kasoo baxay ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay raali-gelin ka bixisay soo gelitaanka biyaha Iran, ayna xaqiijisay inaysan mar kale dhici doonin.

Jeneraal Ali Fadavi oo ah madaxa badda ee ilaalada kacaanka, ayaa sheegay in cilad ku timid qalabkii hagayey ciidamada ay sababtay in ciidamadan ay soo galaan biyaha Iran.

Ciidamada oo ka koobnaa sagaal rag ah iyo haweeney ayaa laba doomood oo yar ku safrayey gacanka Persia ee u dhaxeeya Kuwait iyo Bahrain, markii ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen taliska Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaan soo hadal qaadin dhacdadan markii uu xalay khudabdiisii ugu dambeysay ee qaranka uu jeediyey, hase yeeshee waxa uu ka hadlay heshiiska nuclear-ka Iran, isaga oo yiri “Dunida waxa ay ka fogaatay dagaal kale”.

XS
SM
MD
LG