Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax 10 Qof Ku Dilay Magaalada Istanbul


Qaraxa oo goob joogayaal ay ku macneeyeen mid xoogganaa ayaan illaa iyo hadda la garaneyn waxa sababay iyo cidda ka dambeysay.

Guddoomiyaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in qarax ka dhacay degmada taariikhiga ah ee SultanA-hhmet uu dilay ugu yaraan 10 qof, islamarkaana dhaawacay 15 kale.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in qaraxa uu ka dambeeyey qof ismiidaamiyey oo u dhashay dalka Syria.

Dad goob joogayaal ah ayaa qarax ku sheegay inuu ahaa mid dhowaqiisa aad u xoogganaa oo ruaxay dhulka.

Sultanahmet waa goob aad loogu dalxiis tago oo ku taalla Istanbul, waxaana ku yaalla masjidka taariikhiga ah ee Bulugga (Blue Mosque).

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa isgu yeeray kulan ammaan oo deg deg ah kadib qaraxa.

Turkey ayaa waxa ay heegan uga jirtay weerar tan iyo labadii weerar ee bishii October ee 2015, kuwaasi oo in ka badan 100 qof ku dilay meel dibedda ka ah xarun tareen oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Weriyaheena Xuseen Barre, ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Bashiir Macallin Khaliif oo wax ka barta magaalada Istanbul kuna nool meel u dhow degmada qaraxu ka dhacay ee Sultanahmet.

Qarax ka dhacay Istanbul
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00

XS
SM
MD
LG