Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof Is-Qarxiyey Oo 10 Qof Ku Dilay Cameroon


Kolofata, Cameroon
Kolofata, Cameroon

Qaraxan oo lala beegsaday ayaa illaa iyo hadda la ogeyn cidda ka dambeysay, hase yeeshee waxa uu aad u shabahaa weerarada Boko Haram.

Ugu yaraan hal qof oo is-miidaamiyey ayaa isku qarxiyey masjid ku yaalla woqooyiga dalka Cameroon, isaga oo dilay ugu yaraan 10 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan toban kale.

Saraakiil ayaa sheegay in qofka is-qarxiyey uu qeyb ka yahay tirada dhimashada.

Dhacdadan ayaa subaxnimadii Arabacada (1/13/2016) ka dhacday magaalada Kolofata ee ku dhow xadka Cameroon ay la wadaagto Nigeria.

Inkasta oo ay aysan jirin cid si ramsi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayaa haddana dhacdadan waxa ay si aad ah u shabahdaa weeraro dhowr ah oo kooxda Boko Haram ay aagga ka fulisay.

Kooxdan xagjirka ah ayaa muddoo lix sano ah waxa ay dagaallo ay dooneyso inay ku dhisto dowlada Islaami ah ka wadday woqooyiga bari ee Nigeria, waxayna dhowaanahan billowday inay xuduudda ka tallaabto.

Cameroon ayaa qeyb ka ah xulufo ka kooban shan dal oo loo aas aasay inay ka adkaadaan Boko Haraam. Xulufadan ayaa ka kooban ciidamo ka kala yimid dalalka Nigeria, Niger, Chad, Cameroon, iyo Benin.

XS
SM
MD
LG