Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Somalia oo ku Sugan Jigjiga


Xasan Jigjiga
Xasan Jigjiga

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashada Madaxweynaha ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda degaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay soo noq noqonayeen isku dhacyada ka dhaca xuduuda oo ay booliska dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ku lug lahaayeen.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa booqashada Madaxweynaha ka wareysatay Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uu Aweys oo ay kula xiriirtay Khadka Taleefanka ee Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha Somalia oo jooga Jigjiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

XS
SM
MD
LG