Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Baltimore, USA oo Eedo loo Jeediyey


Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Taliska booliiska ee magaalada Baltimore, gobolka Maryland ee dalka Maraykanku uu jabiyay Dastuurka iyo sharciyada ka-hortagga faquuqa. Taliska booliiska ayaa lagu eedeeyey inuu si agaasiman u joojiyo, u baaro, u xirxiro, awood dheeri ahna u adeegsado gaar ahaan dadka madow ee magaalada deggan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Taliska Booliiska ee Baltimore uu sii waday waxyaabo badan oo xiriir qoto dheer la leh saboolnimada iyo isirka dadka, iyada oo hawgalka booliisku uu culeyska saareyey meelaha ay deggan yihiin bulshooyinka laga tirada badan oo saboolka ah. Hanaanka booliiska ayaa lagu sheegay mid lagama maarmaan iyo miro-dhal toona aan ahayn.

Kevin Davis oo ah Taliya Ciidanka Booliiska ee Baltimore ayaa sheegay in warbixintu ay tahay eedeyn loo jeediyey saraakiisha booliiska ee Baltimore, kuwaas uu sheegay in badankoodu ay warbixinta xadgudub u arkeen.

XS
SM
MD
LG