Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti: Dad Ku Dhintay Xuska Sheekh Yoonis


Djibouti
Djibouti

Ciidamada ammaanka ayaa isku dayey inay kal eryaan dad ka qeyb galayey munaasabad Siyaaro ah oo lagu xusayey Sheekh Yoonis Muuse.

Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabshado ka dhacay xaafadda Balbala.

Xiisaddan ayaa billaabantay subaxnimadii saaka xiligaasi oo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen munaasabad Siyaaro ah oo sannad walba la qabto oo lagau xuso Sheekh Yoonis Muuse.

Ciidamada ammaanka ayaa isku dayay inay kala dareeriyaan dadkii ka soo qayb galay xuskan waxaanay taasi keentay in ciidamada iyo qaar ka mid ah dadweynuhu isku dhacaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Hassan Omar Mohamed ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in rabshadahaasi ay dhasheen ka dib markii tobaneeyo qof oo hubaysan ay is urursadeen isla markaan ay rasaas la beegsadeen ciidamada ammaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu wasiirku xusay in halkaasi uu ka dhashay dhaawaca 9 qof oo uu ka mid yahay sarkaal ka tirsan ciidmada amaanka oo lagu magacaabo Abubkar Maxamuud Aadan

Si kastaba, mucaaradka Jabuuti ayaa sheegaya in weerarka ayaga lagu soo qaaday, laguna bartilmaameedsaday.

Xuseen Barre Aadan ayaa khadka telefoonka ee Jabuuti kula xidhiidhay Cumar Cilmi Khayare oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka Isbahaysiga Dallada Mucaaradka ee USN, kana wareystay dhacdadan.

Rabshado ka dhacay Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:53 0:00

XS
SM
MD
LG