Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Blatter Iyo Platini Oo la Ganaaxay Sideed Sano


Blatter and Platini
Blatter and Platini

Blatter iyo Platini ayaa loo ganaaxay sababo la xiriira laba milyan oo dollar ah oo la rumeysan yahay in Blatter uu siiyey Platini.

Guddiga Anshaxa ee Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, ayaa muddo sideed sano ah dhaqdhaqaaqyada cayaareed ka mamuuncay madaxweynihii xiriikaas Sepp Blatter iyo madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA, Michel Platini.

Guddiga ayaa tallaabadan qaatay sababo la xiriira laaluush laba milyan oo dollar ah oo la rumeysan yahay in Blatter uu sanaddii 2011-kii siiyey Platini.

Dacwad oogayaasha Switzerland, ayaa sidoo kale furay baaritaan ku saabsan lacagtan.

Ganaaxan ayaa waxa uu meesha ka saari doonaa qorshihii Platini ee ahaa inuu beddelo Blatter, marka doorashada madaxweynaha FIFA la qabto bisha February.

Blatter iyo Platini ayaa labaduba beeniyey eedeymaha loo jeediyey waxaan la filayaa inay racfaan u qaataan guddiga racfaanka ee FIFA iyo maxkamadda dhex dhexaadinta cayaaraha.

Blatter iyo Platini ayaa waxaa horey u saarnaa ganaax, tan iyo bishii October, sababo la xiriira fadeexaddan lacageed.

FIFA, ayaa waxaa tan iyo bishii May ruxay fadeexado musuq-maasuq oo dhaliyey in 14 sarkaal oo sare oo ka tirsan xiriirkaas xabsiga la dhigo.

XS
SM
MD
LG