Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mandheera: Weerar Lagu Dilay Laba Qof


Mandera, Kenya
Mandera, Kenya

Weerarka oo la tuhunsan yahay inay fuliyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay saddex qof.

Sarkaal Kenyan ah ayaa sheegay in koox dabley ah oo la tuhunsan yahay inay yihiin xagjiriin Islaami ah ay dileen laba qof, markii ay rasaas ku fureen laba baabuur oo socday magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya.

Madax amniga ee gobolka Waqooi Bari Kenya, Maxamuud Saalax, ayaa isniinta sheegay in sidoo kale saddex qof lagu dhaawacay weerarka, oo la tuhunsan yahay inay fuliyeen dabley ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saalax waxa uu yiri in dableyda ay weerareen baabuur rakaab ah ayna ku dileen qof, saddex qof oo kalena ay ku dhaawaceen. Waxa uu sheegay in markaa kadib ay waarareen baabuur xamuul oo daba socday baabuurka rakaab, ayna dileen qof kale.

Saalax ayaa sheegay in labada darawal ee labada baabuur ee la weeraray ay sii wadeen baabuurta, si ay uga horatagaan khasaare intaas ka badan.

Kenya ayaa waxaa tan iyo sanaddii 2001 ka socday mowjado weeraro ah oo ay fulinayaan dagaal yahannada kooxa Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay boqolaal qof.

Maxamed Faarax Shire ayaa warkan kasoo diray Mandheera.

Laba qof oo lagu dilay Mandheera
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:45 0:00

XS
SM
MD
LG