Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Muqdisho


Mas'uuliyiinta amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa beeniyey in nin saaka lagu dilay agagaarka isgoyska Taleex uu ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay weerarro kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

Mid ka mid ah weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday qof ka tirsan shaqaalaha bankiga dhexe, waxayna toogashadan ka dhacday xaafadda Wadajir ee Muqdishu.

Toogashada labaad ayaa iyaduna ka dhacday agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan. Warar aanu ka helo laba ilo wareed ayaa sheegay in ninkaasi uu ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda. Goor dambena mas'uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa beeniyey in ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xaaji Maxamed uu ka tirsanaa nabad-sugidda.

Jamaal Axmed Cusmaan oo ku sugan Washington ayaa dhacdooyinkan ka wareystay weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir OK.

Dilal ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG