Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo ku soo Siqday Afmadow iyo Dhoobley


Shabaab
Shabaab

Sida uu ku soo waramayo wariyaha VOA ee Kismaayo Khadar Maxamuud Xareed, xaalad cabsi ah ayaa laga dareemayaa degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubbada Hoose, kadib markii boqollaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo aad u hubeysan ay kusoo dhawaadeen magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley oo ay maamulaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Goobjoogayaal ku suggan Afmadow iyo Dhoobley ayaa VOA u xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland heegan la galiyay kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku doonayaan inay ku weeraraan deegaanadaasi.

Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada loo yaqaano Caglibaax iyo Qalawilaha oo 25km dhanka galbeedka iyo Waqooyiga kaga kala beegan Magaalada Afmadow.

Dhanka kale Maleeshiyaadka kooxda Al shabaab ayaa qafaashay ilaa sadex gawaari oo ay leeyihiin dad shacab ah.

Gawaaridaan ay qafaasheen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka yimid deegaanka Dhoobley ayaa ku sii jeeday Degmada Afmadow, waxaana baabuurta la qafaashay ku jiray nooca lagu qaado Qaadka oo xilgaasi siday Gaari Qaad, ayadoo labada baabuur ee kale ay qafaasheen Al-Shabaab ay kala ahaayeen Baabuur nooca xamuulka qaada ee ay Soomaalidu u taqaano DHEYNA iyo baabur NOHA.

Goobjoogayaal ayaa VOA xaqiijiyay in boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana aad u hubeysan ay babuurta ku joojiyeen Wadada Goomaara oo ah jidka isku xidha Afmadow iyo Dhoobleey, iyagoo Darawaladii iyo dadkii saaraa gawaarida ku amray inay isaga daggaan baabuurta, halkaasna ay ku kaxeysteen.

Warku wuxuu intaasi ku darayaan in Maleeshiyaadka Al shabaab Gawaarida ay qafaasheen ay geeyeen Degmada Xagar ee isla gobolka Jubbada Hoose.

XS
SM
MD
LG