Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhex Maray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab


Laba askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaal maanta dhex maray ayaga iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay tuulada Buulo Fuur oo hoostagta degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay illaa sideed qof.

Waxaa lagu warramayaa in sidoo kale uu jiro khasaare gaaray maleeshiytada Al-Shabaab, inkasta oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisin maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lee yihiin goobta uu dagaalka ka dhacay.

Goobta lagu dagaalamay ayaa waxaa iminka gacanta ku haya maleeshiyada Al-Shabaab kadib markii ciidamada weerarka qaaday ay dib usoo laabteen.

XS
SM
MD
LG