Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Dalka Jordan oo lagu Dilay Lix Askari


Map of Jordan
Map of Jordan

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Jordan ayaa sheegay in qarax babauur oo ka dhacay xuduudda dalkaas uu la wadaagao dalka Syria uu dilay lix askari, islamarkaana dhaawacay 14 kale.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Rukban halkaasi oo tobanaan kun oo qof oo kasoo cararay rabshadaha ka socda dalka Syria ay qaxooti ku yihiin, ayaga oo isku dayaya inay soo galaan dalka Jordan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Ciidamada dalka Jordan ayaa sheegay inay burburiyeen baabuur dhowr ah oo qaraxa ku lug lahaa hase yeeshee ma aysan bixin faahfaahin intaas dhaafsan.

QM ayaa dalka Jordan ku diiwaan gelisay in ka badan 650,000 oo qaxooti Suuriyaan ah.

Si kastaba, dalka Jordan oo dadkiisu ay ka kooban yihiin sideed milyan ayaa waxaa ku sugan qaxooti intaas ka badan oo aan la diiwaan gelin, waxaana xukuumadda dalkaas ay la tacaaleysaa inay wax u qabato dadkan.

XS
SM
MD
LG