Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Beledweyne?


Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne
Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne

Saraakiisha caafimaadka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in 13 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ay ku dhinteen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa Beledweyne maanta ka dhacay ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaaladu uu galabta ka degay Fahad Yaasiin, talihii hore ee hay’adda NISA, oo isagu doonayo kursi ka mid ah 25-ka kursi ee magaalada yaalla.

Magaalada waxaa ka jirta cabsi, waxaana magaalada ka buuxa ciidamo badan oo Villa Somalia ay u keentay doorashada la filayo in Beledweyne ay ka dhacdo. Wararkii u danbeeyey ee Beledweye waxaa noo soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Xaaladda magaalada Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:04 0:00

XS
SM
MD
LG