Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: 3 Somali Ah Oo la Maxkamadeynayo


Saddexdan Soomaalida ah ayaa wajihi doona ugu yaraan 15 sano oo xabsi ah, haddii lagu helo dambiga ah inay xiriir la lee yihiin Daacish.

Saddex wiil oo Soomaali ah, ayaa lagu maxkamadeynayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, sababo la xiriira inay isku dayeen inay taageero siiyaan kooxda Daacish, islamarkaana ay dilal ka gaystaan gudaha dalka Mareykanka.

Mohamed Abdihamid Farah iyo Abdurahman Yasin Daud, oo labaduba labaatan jir ah iyo Guled Ali Omar, ayaa ka mid ah koox dhallinyaro Soomaali ah oo ay FBI-da isha ku haysay tan iyo sanaddii 2014, markaasi oo mid ka mid ah laga warhelay safarkiisa dalka Turkiga oo uu doonayo inuu uga sii gudbo dalka Syria.

Saddexdan Soomaalida ah ayaa wajihi doona ugu yaraan 15 sano oo xabsi ah, haddii dambiga lagu helo.

Bob Fletcher oo horey uga tirsanaa booliiska xaafadda Ramsey, iminkana ah agaasimaha xarunta daraasaadka taariikhda Soomaalida ee magaalada Minneapolis, ayaa sheegay in la hayo caddeymo muujinaya in dhallinyradan Soomaalida ah ay doonayeen inay ka tagaan dalka Mareykanka, kuna biiraan kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG