Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Brazil Oo Shaqada Laga Hakiyey


Seneetarada dalka Brazil ayaa maanta u codeeyey inay shaqada ka hakiyaan Dilma Rousseff, sababo la xiriira inay jebisay sharciga miisanaiyadda dalkaas.

Seneetarada dalka Brazil ayaa maanta u codeeyey inay shaqada ka hakiyaan madaxweynaha dalkaas Dilma Rousseff, sababo la xiriira inay jebisay sharciga miisanaiyadda dalkaas.

Kadib 22 saac oo dood ah, ayey xubnaha senate-ka isku raaceen in Rousseff ay maxkamad soo istaagto, sababo la xiriira inay lacag kasoo amaahatay bankiyada, si ay u qariso nuqsaanka ku jira miisaaniyadda dowladda.

Rousseff ayaa goor dmabe oo maanta ah lagu wargelin doonaa go’aanka aqalka Senate-ka, markaas kadib oo maxkamad ay soo hor istaagi doonto.

55 xubnood oo ka tirsan aqalka Senate-ka ayaa u codeeyey in shaqada laga joojiyo, halka 22 ay diideen.

Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Michael Temer ayaa xilka la wareegi doono, si ku meel gaar ah.

Booliiska dalka Brazil iyo taageerayaasha madaxweyne Dilma Rousseff ayaa isaga horyimid banaanka aqalka Senate-ka ka hor inta aan la qaadin codka, kaasi oo go’aamiyey inay maxkamad usoo istaagto eedyemo ku saabsan musuq maasuq.

XS
SM
MD
LG