Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax Ka Dhacay Magaalada Beledweyne


Banaanbax ayey dadku uga soo horjeedeen sicir barar iyo lacag shilin Soomaali ah oo suuqyada sarifka ee magaalada la soo geliyay.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay dadku uga soo horjeedeen sicir barar dhinaca maciishada iyo sarifka ah oo la sheegay inuu ka dhashay lacag shilin Soomaali ah oo suuqyada sarifka ee magaalada la soo geliyay.

Ganacsatada magaalada ayaa diiday inay lacagta shilin Soomaaliga wax ku iibiyaan, ayaga oo taas sabab uga dhigay qiima dhac xooggan oo ku yimid lacagta shilin Soomaaliga.

Wariyeheenna Xuseen Xasan Dhaqane ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadkii dibad baxayay warbixintan ayuuna nooga soo diray.

Banaanbax ka dhacay Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00

XS
SM
MD
LG