Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF Oo Ka Walaacsan Eedeymo Loo Jeediyey


Golaha Wasiirada Soomaaliya
Golaha Wasiirada Soomaaliya

Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay caruurta u adeegsadaan howlaha jaajuusnimada, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan sheegashooyinka ah in sirdoonka Soomaaliya ay caruurta u adeegsadaan howlaha jaajuusnimada, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Mareykanka.

Warsaxaafeed maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dowladda ay eegi doonto sheegashooyinkan, islamarkaana ay baari doonto hay’adaha sheegashooyinkan ay quseeyaan.

“Waxaan soo saari doonnaa warbixin waqtiga ugu dhow ee suuragalka ah, iyadoo la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya waxa kale oo ay sheegtay inay “si dhow ula shaqeyneyso dhammaan ururada arrinkan ku shaqada leh si sare loogu qaado wacyi-gelinta ku saabsan xuquuqda carruurta iyo dhaqan-gelinta xaqqooda”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Isniintii magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo taliyeyaal ciidan oo arrintan baara.

XS
SM
MD
LG