Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Algeria Oo Dhiseysa Masjidka Ugu Minaaradda Dheer


Dhismaha masjidkan ayaa waxaa ku kici doona 1.4 bilyan oo dollar, wuxuuna yeelan doonaan minaaradda ugu dheer caalamka.

Algeria ayaa dhiseysa mid ka mid ah masjidyada ugu weyn caalamka, ayada oo la sheegay in tani ay dhabar jab ku noqon doonto kooxaha mayalka adag.

Masjidka Djamaa El Djazair ayaa laga dhisayaa inta u dhaxeysa goob loo dalxiis tago iyo degmo ay ku xooganaan jireen kooxaha xagjirka ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

“Dad baa nagu eedeyey inaan masjidkan u dhiseyno xagjiriinta” ayuu yiri Ahmed Madani oo la-taliye u ah wasaaradda guryeynta oo mas’uul ka ah dhismaha masjidkan. “Hase yeeshee sidaas maahan, masjidkan wuxuu dhabar jab ku noqon doonaan xagjiriinta. Waa ayaga kuwa diidan mashruucan”.

Dhismaha masjidkan ayaa waxaa ku kici doona 1.4 bilyan oo dollar, wuxuuna yeelan doonaan maktabd ay yaalaan hal milyan oo buug, dugsi qur’aan iyo minaaradda ugu dheer caalamka.

Wuxuu markiiba qaadi doonaa inay ku tukudaan 120,00 oo qof.

Madani waxa uu sheegay in masjidka, oo dhismihiisa la dhameyn doono, sanadka soo socda, ayaa waxa uu beddel u noqon doonaa goobaha diimaha ee ay maamulaan kooxaha xagjirka.

XS
SM
MD
LG