Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Aminga Puntland Oo Dhaawacmay


Qarjab
Qarjab

Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn maanta xerada ciiidamada Birmadka Puntland ee Boosaaso ku dhexmartay ciidamada Booliska Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn maanta xerada ciiidamada Birmadka Puntland ee magaalada Boosaaso ku dhexmartay ciidamada Booliska Puntland.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in rasaasaytan ay dhalatay kadib markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdirisaaq Maxmuud Yuusuf (Afguduud) iyo Taliyaha Ciidmada Birmadka Puntland G/sare Cismaan Xasan Cawke.

Ilaa hadda lama garanayo sababaha keentay in labadan taliye ay gacmaha iskula tagaan.

Shilkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay, laba sarkaal iyo saddex ka tirsan ciidamada Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lugta midi, halka labada sarkaal iyo askarta kalena ay dhaawacyadoodu aad u culus yihiin.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaas.

XS
SM
MD
LG