Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Donald Trump Oo Raadinaya Ku Xigeen


Donald Trump ayaa billaabay raadinta qofkii u noqon lahaa ku xigeen, doorashada guud ee dhaceysa bisha November.

Ayada oo loolankii madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga uu iminka u muuqdo mid dhammaaday, ayaa Donald Trump waxa uu billaabay raadinta qofkii u noqon lahaa ku xigeen, doorashada guud ee dhaceysa bisha November.

Trump oo aan weligiis qaban xafiis loo doortay, ayaa arbacadii sheegay inuu raadinayo qof khibrad siyaasadeed leh, oo uu u noqdo madaxweyne ku xigeen.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta shacaiyey inaysan ku xigeen u noqon doonin Trump ayaa ah barasaabka gobolka South Carolina Nikki Haley. Bayaan ay shalay soo saartay ayay ku sheegtay inay taagereyso Trump, balse ay diiradda saareyso shaqadeeda iminka.

Trump ayaa dhisaya guddi ka caawiya helista qof ku xigeen u noqda.

Mar wax laga weydiiyey inuu ka fakarayo inuu doorto barasaabka gobolka Ohio, John Kasich oo horey ula loolamay, Trump waxa uu sheegay in Kasich uu yahay mid ka mid ah dadka uu eegi doono.

Trump ayay u muuqataa inuu xilka madaxtinimada Mareykanka kula loolami doono xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton oo u muuqata inay matali doonto xisbiga Dimoqraadiga.

XS
SM
MD
LG