MUQDISHO —
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale dood adag ka yeeshay hanaanka doorashada Soomaaliya ee sanadkaan oo sabtidii la soo dhaafay ay xukumadu u gudbisay baarlamanka si uu u meel mariyo.
Maalintii labaad ayey xildhibaanadu maanta ka doodeen heshiiskii Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee laga gaaray arrimaha doorashada, kaasoo ay horey u soo dhaweeyeen beesha caalamka.
Wariyeenna Jacfar Kuukay ayaa warbixintan nooga soo diray magaalada Muqdisho.