Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ted Cruz oo Ka Haray Tartanka Doorashada


Ted Cruz
Ted Cruz

Cruz ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Indianapolis in “Waddadii uu guul ku gaari lahaa ay soo xirantay”.

Senator Ted Cruz oo laga soo doorto gobolka Texas ayaa ku dhowaaqay inuu ka haray tartanka madaxtinimada dalka Mareykanka kadib guul darro weyn oo kasoo gaartay doorashadii xalay ka dhacday gobolka Indiana, oo uu ku guuleystay Donald Trump.

Cruz ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Indianapolis in “Waddadii uu guul ku gaari lahaa ay soo xirantay”, isaga oo intaas ku daray in codbixiyayaasha ay doorteen waddo kale.

Waxa uu u mahad-celiyey dhammaan taageerayaashiisa oo uu ku sheegay “Waddaniyiin aan caadi ahayn”.

Donald Trump ayaa Indiana ugu guuleystay si xoog leh, ayada oo Ted Cruz uu galay kaalinta labaad, halka John Kasich uu kaalinta saddexaad ku dhammeystay.

Trump ayaa guushii uu ka gaaray Indiana ugu yeeray mid weyn, isaga oo u hambalyeeyey Ted Cruz iyo 15-ka musharax ee kale ee xisbiga Jamhuriga ee la loolamay. Waxa uu ugu baaqay xisbiga Jamhuuriga inay midoobaan.

Dhinaca xisbiga Dimoqraadigana, Senator Bernie Sanders ayaa Hillary Clinton kaga adkaaday doorashadii xalay ka dhacday gobolka Indiana.

XS
SM
MD
LG