Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Fashilisay Weerar Argagixiso


Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay damacsanaayeen inay gaysato shabakad xiriir la leh ururka ISIS.

War saxaafadeed kasoo baxay booliiska dalka Kneya ayaa lagu sheegay in kooxdaasi ay qorshaynayaan inay gaystaan weerarro la mid ah kuwii lagu qaaday suuqa weyn ee Westgate Mall ee magaalada Nayroobi sanandkii 2013-kii.

Booliiska Kneya waxay sheegeen inay toddobaadii hore qabteen nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali oo la sheegay inuu yahay arday barta daawada oo lagu eedeeyey inuu ka shaqaynayey xagjiraynta iyo duufsiga ardayda jaamacadaha. Waxaa kale oo ninkaasi lagu eedeeyey in shabakad isaga xiirir la leh ay fududayso sidii dhalinyarada Kenya ay uga tagi lahaayeen dalkaasi uguna biiri lahaayeen kooxaha xagjirka ah ee Liibiya iyo Siiriya.

Booliisku waxay sheegeen in kooxdan ay qorshaynayeen inay weerar loo adeegsadao sunta anthrax ay ka gaystaan gudaha Kenya.

Dawladda Kenya waxay sheegtay inay qabatay laba qof oo kale oo dumar ah oo ay ku jirto Maxamed Cabdi Cali xaaskiisa. Booliisku waxay sheegeen inay dhuunteen oo la la’yahay laba qof oo kale lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakaddaasi.

Booliiska ma sheegin qgoorta ay qorshaysnayd inay weerraradani dhacaan.

XS
SM
MD
LG