Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afgooye: 6 Qof Oo Ku Dhaawacmay Qarax


Suuqa Afgooye
Suuqa Afgooye

Goobjoogayaal ayaa VOA-da u sheegay in qaraxa lala eegtay askar ka tirsan ciidamada degamada oo canshuuro ka qaadayey suuqa.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo maanta ka dhacay suuqa ariga ee degamada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa VOA-da u sheegay in qaraxa lala eegtay askar ka tirsan ciidamada degamada oo canshuuro ka qaadayey suuqa.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa dad rayid ah oo suuqa ku sugnaa.

Lama oga cidda weerarka geysatay, laakiin weeraro sidan oo kale horey uga dhacay suuqa xoolaha ee Afgooye ayaa waxaa sheegtay ururka al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG