Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan sheegtay inay burburisay xarun ay mintidiin ka tirsan ururka Daacish ay ku tababarayeen oo ku taalla nawaaxiga Jannaale ee Gobolka Shabeellda Hoose.
Dhinaca kalena, agaasimihii hore ee Sirdoonka Puntland ayaa ka digay khatarta ka iman karta in ururka Daacish uu ku fido Soomaalya.
Cabdi Xasan Xuseen "Cabdi Yare", ayaa sheegay in kooxda sheegatay inay ku biireen ISIS ee ku dhuumanaya buuraha Bariga Puntland ay taageero ka heleen ururka ISIS isla markaana ay dhalinyaro qorteen.
Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Agaasimihii hore ee sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi Yare”.
Waraysiga oo dhammaystiran hoos ka dhagayso.