Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa si nabad-gelyo ah ula wareegay deegaanka Galcad oo ay hore gacanta ugu hayeen maleeshiyada al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Guutaale ayaa VOA u xaqiijiyay in wax iska horimaad ah uusan halkaasi ka dhicin, kadib markii ciidamada dawladda ay xog ku heleen in maleeshiyada al- Shahaab ay isaga huleeleen deegaankaas.
Ciidamada dawladda iyo kuwa Ethiopiaayaa hawl-galo ka dhan ah al-Shabaab waxay ka wadeen bariga Gobolka Galgaduud, gaar ahaan inta u dhaxeysa degmooyinka Ceeldheer iyo Ceelbuur.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa ciidamada dawladda oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia, waxa ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deeganka Bud-Bud.