Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal Xalay Lagu Qabtay Badda Cas


Tahriibayaal Badda Cas (Sawir hore)
Tahriibayaal Badda Cas (Sawir hore)

Doon ay la socdaan ku dhowaad 100 qof oo qaxooti ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay badda cas inta u dhaxaysa xeebaha Boosaaso iyo Yemen, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee maamul Goboleedka Puntland.

Taliyaha Booliiska Qaybta Bari ee Puntland Cabdixakiim Yuuusf Xuseen ayaa VOA u sheegay in doontaasi ay saaran yiiin 92 qof oo qaxooti ah, laguna qabtay badda xalay iyaga oo kusii jeeday xeebaha dalka Yemen.

Doonta wadday qaxootigaasi ayaa la sheegay inuu joojiyey markab ka mid ah kuwa ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebahaasi oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Markabkaasi ayaa wararku sheegayaan inuu soo galbinayo doonta sidda qaxootiga lana filayo inay gelinka dambe ee maanta soo gaadho xeebta magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in doonta wadda tahriibayaashaasi ay ka baxday xeebaha Puntland.

XS
SM
MD
LG