Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoos u Dhac ku Yimid Iibsashada iPhone-ka


Qiimaha Apple ayaa hoos u dhacay kadib hoos u dhacii ugu horreeyey ee iibsashada taleefonka iPhone mudda 13 sano ah.

Shirkadda ugu faa’iidada badan caalamka ayaa qiimaheedu hoos u dhacay toddobaadkan kadib markii Apple ay shaaca ka qaaday hoos u dhacii ugu horreeyey ee iibsashada taleefonka iPhone mudda 13 sano ah.

Madaxa shirkadda Apple ayaa dhaqaalaha xumaanaya ee Shiinaha u sababeeyey hoos u dhaca ku yimid iibsashada taleefonka iPhone-ka, hase yeeshe dadka taxliilaya dhaqaalaha ayaa sheegaya inay jiraan sababo kale oo ay ka mid yihiin suuqa taleefonada uu sii buuxsamaya iyo Apple oo aan wax aalado cusub ah soo shaac bixin.

In ka badan laba bilyan oo qof oo dunida ku nool ayaa haysta taleefonada loo yaqaan “Smartphone”, islamarkaana mid ka mid ah shanti xabo ayaa ah iPhone.

Ross Rubin oo taxliiliaya arrimaha dhaqaalaha ayaa VOA u sheegay in Apple ay dhibane u noqotay un guusheeda.

“Apple waxa ay ku loolantaa suuq dhaqaale oo aad u xooggan sida Mareykanka, Japan iyo Galbeedka Yurub, waxaana meelahaas kusoo badanaya taleefonada noocyada kala duwan” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG