Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Ka Dhacay Kulanka Trump


Dhowr qof ayaa xalay la xiray ayada oo booliiska ay kala dhex galeen taageerayaasha iyo mucaaradka Donald Trump, kuwaas oo isku dhacay.

Dhowr qof ayaa xalay la xiray ayada oo booliiska ay kala dhex galeen taageerayaasha iyo mucaaradka musharaxa madaxweynaha Donald Trump, kuwaas oo isku dhacay, xilli uu dadweyne kula hadlayey koonfurta gobolka California.

Muraayadaha baabuurta booliiska qaarkood ayaa waxaa jebiyey dadweyne carreysan, waxaana dhaawacmay dhowr qof, ka hor inta aysan booliiska dib usoo celin xasiloonida.

Goor sii horreysay oo khamiistii ahayd ayaa Donald Trump waxa uu weerar ku qaaday musharaxa xisbiga dimoqraadiga Hillary Clinton, isaga oo sheegay inaysan wax fursad ah haysan, marka laga reebo inay cayaareyso “Kaarka Haweenka”, ayada oo dooneysa inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne noqota.

Trump ayaa u sheegay taleefishinka ABC NEWS “Haddii Clinton aysan ahaan lahayn haweeney, xittaa ma aysan haysan lahayn fursad ay ku qabato xilka gole deegaan”.

Cod bixinta ra’yiga ayaa muujineysa in Clinton ay cel-celis ahaan sagaal dhibcood ka horreyso Trump, haddii labadooda ay noqdaan labadan musharax ee ku loolamaya doorashada madaxweynaha ee bisha November.


XS
SM
MD
LG