Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Hoose: 7 Qof oo isku Qoys Ah oo La Dilay


Shabeellada Hoose
Shabeellada Hoose

Dilkan ayaa la sheegay in loo gaystay toddoba qof oo iskugu jira lix carruur ah oo shan ay wada dhalatay iyo ayeydood.

Waraka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dil aad u fool xun uu xalay ka dhacay tuulo u dhow magaalada Shalambood.

Dilkan ayaa la sheegay in loo gaystay toddoba qof oo iskugu jira lix carruur ah oo shan ay wada dhalatay iyo ayeydood.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in dilkan oo ka dhacay tuulada Dudumo oo 5km u jirta Shalambood ay gaysteen koox dablay ah oo xalay kusoo weerartay gurigooda, kuwaasi oo dadkaasi la dhacay rasaas, sida ay sheegeen dadka tuulada.

Ehelada dadkaasi ayaa sheegay in dablayda weerarka gaysatay ay intaas kadib meel iskugu soo ururiyeen maydka dadkaasi kadibna ay dad qabadsiiyeen sida uu VOA u sheegay Axmed Sheekh Maxamed oo ah adeerka carruurtaasi.

Dablayda weeraka soo qaadday ayaa sidoo kale la sheegayaa inay qaateen 7 neef oo lo’ ah, 5 neef oo ari ah, iyo inay dilka kadib dab qabadsiiyeen guriga qoyskaasi iyo raashiin, sida uu VOA u sheegay mid ka mid ah ehelada Cismaan Cabdi Toomow.

Dablayda weerarka gaysatay ayaan ilaa hadda haybtooda la garanayn. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa si weyn u cambaareeyey dilkan foosha xun.

Weriyaheena Xuseen Barre ayaa waxaa uu khadka taleefonka ku waraystay Cismaan Cabdi Toomow oo ay eedo u ahayd haweenayda la dilay.

Qoys lagu dilay Shalambood
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:29 0:00

XS
SM
MD
LG