Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel: Nin Lagu Helay Dilka Wiil Falastiini Ah


Maxkamad Israeli ah ayaa maanta dambi ku heshay ninkii hogaamiyey dilkii aargudashada ahaa iyo gubitaanka wiil yar oo Falastiini ahaa ee sanaddii 2014,.

Maxkamad Israeli ah ayaa maanta dambi ku heshay ninkii hogaamiyey dilkii aargudashada ahaa iyo gubitaanka wiil yar oo Falastiini ahaa ee sanaddii 2014, kaasi oo hoggaamiyey dagaalkii Gaza ee socday 50-ka maalmood.

Maxkamadda ayaa diiday cudur daarka Yosef Haim Ben David ee ahaa inuusan lahayn caqli uu isku xakameeyo, waxayna sheegtay inuu ka warqabay cawaaqbika ficilladiisa markii uu dilka geystay.

Yosef ayaa waxaa lagu wadaa in xukunka lagu rido bisha soo socota.
Laba qof oo kale oo Israeli ah ayaa goor sii horreysay lagu helay dambi la xiriira dilkan, ayada oo mid ka mid ah lagu xukumay xabsi daa’in, halka mid kalena uu helay 21 sano oo xabsi ah.

Dhammaan saddexdan qof ayaa qirtay dilka Mohammed Abu Khdeir kadib markii ay ka afaduubteen bariga magaalada Jerusalem, ayna u kaxeysteen dhulka keymaha ee Israel.

Dambigan ayaa waxaa loo fuliyey aargudashada afduubka iyo dilka saddex qof oo dhallinyaro Israa’iliyiin ahaa oo ay mintidiinta kooxda Xamas ka fuliyeen Daanta Galbeed.

XS
SM
MD
LG