Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulankii Baarlamanka Oo Buuq ku Dhamaaday


Baarlamanka Soomaaliya (Sawir hore)
Baarlamanka Soomaaliya (Sawir hore)

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa isku raaci waayey ajendayaasha kulanka looga hadlayay taasi oo dhalisay buuq xooggan.

Kulan ay mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa ku soo dhamaaday nateeja la'aan kaidb markii xildhibaanada ay ku guuldaraysteen in ay ansixiyaan anjadayaal Baarlamaanka horyaalay.

Waxyaabaha kulanka looga hadlayey ayaa qodob ka mid ah waxa uu ahaa mooshin lagu dalbanayay in dib loo dhigo shirka maamul u samaynta Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, oo ay dhawaan baarlamanka u gudbiyeen ilaa iyo 40 xildhibaan.

Gudoonka Baarlamanaka ayaa markii dambe soo xiray fadhiga markii uu sii socday buuqa u dhaxeeyay xildhibaanada, oo dhaliyey in kulanka uu u socon waayey si habsami leh.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan muqdisho inooga soo diray.

Kulankii Baarlamanka Oo Buuq Ku Dhamaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:45 0:00


XS
SM
MD
LG