Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Dhulgariika Ecuador oo Korortay


16.
16.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay dalka Ecuador ayaa gaartay 235 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 1,500 oo kale.

Dhulgariirkan oo 7.8 cabirka hektar ayaa dhacay fiidnimadii Sabtida, waxaana uu argagax ku beeray dalka dagan caasimadda Ecuador ee Quito, iyadoo ay burbureen guryo badan, waddooyin iyo magaallooyin ku yaalla galbeedka Ecuador.

Madaxweynaha Ecuador Rafael Correa oo safar ku joogay Talyaaniga, ayaa si deg deg ah dib ugu onqday dalkiisu, wuxuuna sheegay in ahmiiyaddiisa koowaad ay tahay in la bad-badiyo dadka ku hoos jira burburka.

"Wax kasta dib ayaa loo dhisi karaan, laakiin nolol lama heli karo, taasina ayaana waxa i dhaawacaysa" Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Correa.

Madaxweyne kuxigeenka Ecuoador Jorge Glass oo booqda meelaha dhulgariirku ka dhacay ayaa sheegay in 235 qof ay dhinteen.

Dhulka xeebaha oo u dhawaa xuddunta dhulgariirka ayaa saameyn badan uu dhulgariirku ku reebay, gaar ahaa Pedernales, oo ah meel loo dalxiis tago, waxayna u muuqataa in dhulgariirku uu dhulka la simay.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay inay jireen 163 jeer oo ay dhaceen dhulgariiryo yaryar oo daba socday kii weynaa.

Lix gobol oo ka tirsan Ecuador ayaa waxaa lagu dhawaaqay xaalad deg-deg ah.

XS
SM
MD
LG