Ergo ka kala socota dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ayaa la filayaa in maanta ay dalka Kuwait uga furmaan wada-hadallo ay taageereyso QM, hase yeeshee wada-hadallada ayaa la filayaa inay dib u dhacaan kadib markii eragad mucaaradka ay kasoo daaheen.
Dowladda Yemen ayaa mucaaradka Xuutiyiinta ku eedeysay inay si ula kac dib ugu dhigayaan wada-hadallada, oo looga gol lee yahay in lagu soo afjaro 18 bilood oo dalkaas ay ka socdeen dagaallo ay ku dhinteen in ka badan 6,000 oo qof.
“Waxaan diyaar u nahay hanaan siyaasadeed oo cidna aysan ka maqneyn, waxaana wax walba u huri doonaa sidii dhibka loo qaadi lahaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Yemen Cabdal Maalik oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee Saba.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale muujiyey inay diyaar u yihiin dib u heshiisiin ayada oo afhayeen u hadlay, Maxamed Cabdisalaam uu warbaahinta Kuwait u sheegay inuu ku baaqayo in xukunka lagu heshiiyo si looga hadlo muran siyaasdeed kasta.
QM ayaa sanadidi tagtay qabatay laba wareeg oo wada-hadallo ah, oo midna usuan ka guuleysan.