Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali La Sheegay Inay ku La'deen Badda


Tiro badan oo Soomaali ah oo ka tegey dalka Masar, islamarkaana doonayey in ay qaab tahriib ah ku gaaraan Yurub iyagoo bada sii maraya ayaa ku dhintey bada u dhaxeysa Masar iyo Greece.

Warkan, ayaa waxaa laga soo xigtay qaar ka mid ah Soomaalida Masar iyo dad sheegay inay dhacdadan ka badbaadeen, hase yeeshee VOA weli si rasmi ah uma xaqiijin.

Soomaalida ku nool dalka ayaa muujiyey sida ay uga niyad xun yihiin dhibaatada la sheegay inay ku dhacdey dhalinayaradan Soomaalida ah ee bada ku dhamaadey.

Waxaa warbixintan Qaahira kasoo diray Xuseen Saxnuuni

Warbixin Tahriibka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

Sidoo kale, laba dhalinyaro ah oo sheegay inay arkayeen mid ka mid ah doonyahan degay, iyagana uu badbaadiyay Markab laga lahaa dalka Giriirgga, ayaa wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar u waramay.

Qof ka bad-baaday dhacdada
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:57 0:00

XS
SM
MD
LG