Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kabul: Qaraxyo Iyo Weerar Lagu Dilay 28 Qof


Xarunta weerarka lala beegsaday
Xarunta weerarka lala beegsaday

Ugu yaraan 28 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 327 waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo iyo weerar maanta ka dhacay magaalada Kabul.

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Daalibaan ayaa weerar qaraxyo iyo rasaas isugu jira oo ay maanta ka fuliyeen magaalada Kabul waxa ay ku dileen ugu yaraan 28 qof, ayaga oo dhaawacay in ka badan 327, sida ay sheegeen booliiska iyo saraakiil caafimaad.

Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday dhisme, saraakiishu ay sheegeen inuu xarun u yahay ciidamada gaarka ah ee amniga Afghanistan, ee ka tirsan hay’adda sirdoonka dalkaas, kuwaas oo qaabilsan sugidda amniga saraakiisha dowladda.

Weerarka ayaa sagaalkii subaxnimo ku billowday, ayada oo qof ismiidaamiyey uu isku qarxiyey albaabka laga galo xarunta.

Saraakiisha ayaa sheegay in markaa kadib ay xigtay dagaal ka dhex qarxay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada amniga, kaasi oo socda dhowr saacadood, islamarkaana ay ku dhinteen dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo qarakood ay is-qarxiyeen.

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa weerarka cambaareeyey, wuxuuna sheegay in dad badan lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Waxa uu sheegay in dagaalka uu “Si cad u muujinayo guul darrada cadowga ka haysata dagaalka fool ka foolka ah” oo ay kula jirana ciidamada ammaanka Afghanistan.

XS
SM
MD
LG