Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga: Muhaajiriin Lasoo Badbaadiyey


Haweenay u hadashay ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in muhaajiriin ay soo gaadheen xilliyo hore xeebaha dalkaas, kuwaas oo ka soo yimi dalka Masar hase ahaatee aanay u badnayn sida kuwa Libya ka soo tahriiba.

Ciidamada ilaalada xeebaha talyaaniga iyo diyaarad ay leedahay Spain oo u shaqeeya Hay’adda ilaalada Xuduudaha Yurub ee Frontex ayaa arbacadii gargaar u fidiyey doon ay saarnaayeen 156 rag ah, 51 haween ah iyo 107 caruur ah.

Muhaajiriintan ayaa kasoo kala jeeday Syria, Egypt, Somalia, Eriteria, Ethiopia, Falastiin, Liibiya, Sudan iyo Jaziiradaha Comoros.

Sidoo kale muhaarjiin doonayey inay soo gaadhaan dalka Giriiga oo ka yimi Turkiga ayaa sidoo kale la qabtay, iyada oo la keenay Jasiirad ku taalla Giriiga.

Laba doonyood oo ay leeyihiin Frontex oo ay ka buuxaan muhaajiriin tiro badani ayaa ku xidhay dekedda ku taalla Giriiga, iyada oo dadka loo gurmaday ay ku jireen caruur badani.

Turkiga iyo Midawga Yurub ayaa heshiis ka gaadhay xiisadda la xidhiidha Qaxootiga Yurub ku qulqulaya, waxaana arrimaha lagu heshiiyey ka mida in Qaxootiga ka tegey dalka Turkiga isla markaana hab sharci darro ah ku galay dalka Giriiga in dib loogu soo celiyo Turkiga, taas bedelkeeda uu midawga Yurub kumanaan qaxooti ah oo Syrian ah si rasmi ah uga qaato xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Turkiga, isla markaana uu deeq lacageed siiyo Turkiga, iyo weliba Furfurnaan dhinaca socdaalka ah gaar ahaan in laga daayo muwaadiniintiisa VISAha midawga Yurub.

Waxaa kale oo qodobadaas ku jiray in horumar laga sameeyo wada-xaajoodyada la xidhiidha xubinimada midawga Yurub ee Turkiga.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Axmed Daud Oglu ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimi muhaajiriinta gaadhaya Giriigu ay sabab u tahay natiijada ka soo baxday heshiiska Turkiga iyo Midawga Yurub. Sidoo kale afhayeen u hadlay xukuumadda Jarmalka ayaa isna sheegay in arrimuhu ay u socdaan jidka saxda ah.

XS
SM
MD
LG