Dowladda Djibouti ayaa maanta sheegtay in ololihi doorashada madaxweynaha u soo xidhmayo caawa saqda dhexe, sida uu qabo sharciga doorashada.
Dowladdu waxey sheegtay inay sharciga lala tiigsan doonto cidii u hogaansami weysa waqtiga dhammaadka ololaha.
Doorashada Djibouti ayaa waxaa ku loolamay lix musharax oo uu ku jiro madaxweynaha iminka talada haya Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka arimaha gudaha Djibouti Xasan Cumar Maxamad oo shir jaraa’id oo ku qabtay Djibouti, ayaa kadib wareysi gaar ah siiyay wariyaha VOA-da ee Djibouti Ramadan Muuse.