Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yurub oo Xeerka Dublin Wax ka Beddeleysa


Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Donald Tusk
Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Donald Tusk

Xeerka Dublin ayaa dhigaya in qofka qaxootiga ah ee Yurub soo galaya uu magan galyo ku lee yahay dalka ugu horreeya ee uu kasoo galo.

Guddiga Midowga Yurub ayaa la filayaa in maanta uu shaaciyo laba qorshe oo wax looga qabanayo qul qulka muhaajiriinta magan galyo doonka ah ee Yurub soo galaya.

Warbixino ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Midowga Yurub ee Brussels ay shaaca ka qaadi doonaan qorshe is-beddel weyn ku sameyn doono xeerka Dublin.

Xeerka Dublin ayaa dhigaya in qofka qaxootiga ah ee Yurub soo galaya uu magan galyo ku lee yahay dalka ugu horreeya ee uu kasoo galo.

Hase yeeshee, labada qorshe ee la filayo in maanta la shacaiyo, ayaa mid waxa uu wax ka baddalayaa xeerkan, islamarkaana uu qasab ka dhigayaa in dalalka Midowga Yurub ay qeybsadaan muhaajiriinta.

Qorshaha labaad ayaa ah in gebi ahaanba la baa bi’iyo xeerka Dublin, islamarkaana qaxootiga ay si siman u qeybsadaan dalalka Midowga Yurub.

Xeerka Dublin ayaa la rumeysan yahay inuu culeys weyn saaray dalalka Greece iyo Talyaaniga oo ah dalalka ugu horreeya ee muhaajiriinta soo galaya Yurub ay yimaadaan.

XS
SM
MD
LG