Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xildhibaan Ka Badbaaday Dil


Mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday isku day dil, kadib weerar saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cali Daahiye ayaa u soo gaadhay dhaawac garabka ah kadib markii dablay baabuur kale wadatay ay rasaaseeyeen baabuurkiisa xilli uu marayey degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdishu.

Darawalka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay rasaastaasi.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in dablayda weerarka soo qaadday ay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaanka ayaa haatan lagu daweynayaa mid ka mid ah xarrumaha caafimaadka ee Muqdisho.

Kooxda Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Axmed Xasan Colaad.

Xildhibaan dil ka badbaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:11 0:00

XS
SM
MD
LG