Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amisom: Lix Horjooge Ayaan Ka Dilnay Shabab


Shabaab
Shabaab

Amisom ayaa sheegtay in lix taliye oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay dileen ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Amisom ayaa sheegtay in lix taliye oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay dileen ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya, dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Amisom oo lasoo gaarsiiyey VOA ayaa lagu sheegay in horjoogeyaashaas lagu dilay dagaallo iyo howlgallo ka dhacay meelo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada isbaheysiga.

Mid ka mid ah horjooegeyaashaas oo lagu magacaabay Abdirashid Bugdube, ayaa Amisom ay sheegtay, in lagu dilay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, labadii bishan April.

Amisom waxa kale oo ay sheegtay in horjoogeyaasha kale ee Al-Shabaab laga dilay ay kala yihiin Aden Bale, oo ahaa taliyihii Al-Shabaab ee Leego, Sheekh Maxamed Cali, oo ahaa taliye ku xigeenkii Al-Shabaab ee Janaale, Maxamed Abribao oo ahaa xaakimkii Al-Shabaab ee Janaale iyo Xasan Cali Dhoore oo madax ka ahaa amniyataka Al-Shabaab ee Shabeellada Hoose.

Qoraalka Amisom ayaa sidoo kale lagu xusay laba nin oo ajnabi ah oo ay dileen ciidamada isbaheysiga, kuwaasi oo kala ah, Abu Islam oo ahaa khabiir dhinaca walxaha qarxa ah oo u dashay dalka Yemen, iyo Sheekh Mansuur oo ahaa Kenyan madax ka ahaa tababarada Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG