Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Awdal: Dad ku Dhintay Roobab Da'ay Xalay


Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ayaa ku dhintay roobab xooggan oo ka da'ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa VOA u xaqiijiyay dhimashada dadkan.

Daadad ka dhashay roobab da'ayay 5-tii ilaa 7-di fiidnimo ayaa waxay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah.

Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan.

Maamulka Gobolka Awdal ayaa bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

XS
SM
MD
LG