Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhex Maray Galmudug iyo Al-Shabaab


Shabaab
Shabaab

Maamulka Galmudug ayaa Gaalkacyo ka sheegay inay 20 meeyo ka dileen maleeshiyada al-Shabaab.

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dagaallo ay deeggaano ka tirsan dhinaca xeebaha ku dhexmarayaan ciidamada Galmudug iyo maleeshiyo Al-Shabaab ka tirssan.

Ilaa hadda si madax banaan looma oga khasaaraha dagaalkan, balse maamulka Galmudug ayaa Gaalkacyo ka sheegay inay 20 meeyo ka dileen maleeshiyada al-Shabaab, sidoo kalena ay maxaabiis ku soo qabteen dagaallada.

Madaxweynaha Galmduug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa Gaalkacyo ka sheegay in dagaalka uu socdo, wuxuuna shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay ciidamada gacan ka siiyaan sidii looga adkaan lahaa maleeshiyada al-Shabaab ee gobolka soo galay.

Dagaalkan ayaa imanaya maalmo un kadib markii sidoo kale gobolka Mudug dagaal xooggan uu ku dhex maray ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Weriyaheena Cabdi Waaxid Macallin Isaaq ayaa warkan nooga soo diray Gaalkacyo.

Dagaal ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:06 0:00

XS
SM
MD
LG