Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Iraq oo Weerar ku Qaaday Mosul


Ciidamada Ciraq
Ciidamada Ciraq

Ciidamada Ciraq ayaa doonayaa inay Daacish ka saraan magaalada Mosul oo ah magaalada ugu weyn ee ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada Ciraq oo ay taageerayaan dagaalyahanada Kurdish-ka ah ee Peshmerga, ayaa weerar ku qaaday xaafadaha Daacish ay gacanta ku hayso ee ku yaalla koonfurta bari ee magaalada Mosul.

General Hussein Nooraldin oo ka tirsan dagaalyahanada Peshmerga ayaa VOA u sheegay in dagaalka ay hogaaminayaan laba cutub oo ka mid ah ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Ciraq.

Waxaa sidoo kale howlgalka qeyb ka ah xubno ka mid ah qabaa’illada sunigga ee Ciraq, oo taliyayaasha Peshmerga ay sheegeen inay muhiim u yihiin in la qabto xaafadaha ay sunnigu ku badan yihiin.

Howlgalka ayaa waxa laga billaabay deegaanka Makhmour oo dhowaan lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Mariiniska Mareykanka kadib markii uu ku dhacay gantaal ay soo rideen Daacish.

Warbixinno laga helay deegaanada weerarka lagu qaaday ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada isbhayesiga ay duqeynayaan xaafadaha.

XS
SM
MD
LG