Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beelaha Hiiraan: Weli lama Heshiin Dowladda


Beledweyne
Beledweyne

Ugaas Xasan Ugaas Khaalif oo ka mid hogaamiyeyaasha dhaqanka ee ugu waa weyn beelaha gobolka ayaa sheegay inaan la qancin odayaasha.

Beelaha gobolka Hiiraan ayaa beeniyey in la isku afgartay kulamadii ay la qaateen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafti ka socday dowladda oo Beledweyne gaaray.

Ugaas Xasan Ugaas Khaalif oo ka mid hogaamiyeyaasha dhaqanka ee ugu waa weyn beelaha gobolka ayaa sheegay inaan la qancin odayaasha.

Ugaaska ayaa sheegay in ay waftiga dowladda hor u dhigeen laba qodob oo kala ah in gogosha shirka Jowhar lagu soo celiyo magaalada Beledweyne, islamarkaana dib u heshiisiin la sameeyo, balse aan waxba laga qabin.

Ugaaska ayaa sheegay inaysan weli aqbalin inay ku laabtaan shirka Jowhar.

Wariyeheenna Falastiin Axmed Iimaan ayuu Khadka taleefanka Beledweyne ugu waramay.

Wareysi: Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00

XS
SM
MD
LG