Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaki laga Qabo Sirta laga heli Karo Waraaqaha ISIS


Waxa soo baxaya tuhunka ah in xogtii laga xaday kooxda ISIS ay caawini karto in la ogaado maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee kooxdaasi.

Waxa soo baxaya tuhunka ah in xogtii laga xaday kooxda ISIS ay caawini karto in la ogaado maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee kooxdaasi, iyo in sidoo kale laga hortago kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka.

Khuburro ku xeel dheer la dagaallanka argagixisada, oo ku sugan dalalka Mareykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo waddamo kale, ayaa qaada dhigaya kummaanka kun ee feylal ah oo uu Tvga Sky News ee Ingiriiska uu ka helay qof la sheegay in uu hore ugatirsnaan jirey kooxda ISIS.

Qofkaasi ka soo goostay kooxda ISIS, ayaa sheegay in uu ka soo xaday keyd ay xog badani ku jirto garabka ammaanka gudaha u qaabilsanaa kooxda ISIS.

Xogta ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan warbixinno ku saabsan 22 kun oo qof, kuwaas oo isugu jira maleeshiyaad dagaallama, kuwa hadda la qorayo iyo tagaeerayaal kaleba.

Waraaqaha, ayaa warar laga helayo Inigriiska iyo Jarmalka waxay sheegayaan inay ku jiraan warbixnno ku saabsan jihaadiistayaalka ka kala socda 51 dal.

XS
SM
MD
LG