Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharixiinta Jamhuuriga oo Dood kale Yeeshay


Afarta Musharax eek u soo harey tartanka madaxtinimada ayaa dood adag ku yeeshey magaalada Miami ee gobolka Florida, doodii ugu danbeysey eek a hor codeynta Tlaadada oo aad muhiim ugu ah musharaxiinta.

Hadii senatorka laga soo doorto Florida Marco Rubio uu Trump kaga adkaato gurigiisa, waxa ay ceeb weyn ku noqon doontaa Rubio iyadoo soo gabgabeyn doonta ololihiisa doorashada.

Afti la sameeyey Khamiista ay doodu dhaceyso ee caawa ayaa muujineysa in Florida uu ku horeeyo Donald Trump iyadoo uu soo raaco Rubio iyo mudanah alaga soo doorto Texas Ted Cruz.

Sidoo kale aftidan hordhaca ah ayaa muuhisey in John Kasich looga horeeyo gobolkiisa Ohio.

Inta badan musharixiinta ayaa u muuqdey kuwo ka duwan doodii hore waxaana ay u muuqdeen kuwo fekrado isku dhow ka qaba arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga, soo galootiga iyo waxbarashada.

XS
SM
MD
LG