Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Wajaheysa Cunaqabteyn Cusub


Congress Iran Nuclear
Congress Iran Nuclear

Senator Bob Corker ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo sii dheereyn lahaa xeerka cunaqabateynta Iran.

Guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ayaa VOA-da u sheegay in tijaabooyinka gantaal ee Iran ay sameysay ay keeni doonaan in congress-ka uu soo cusbooneysiiyo xayiraadihii ka dhanka ahaa Iran.

Senator Bob Corker ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo sii dheereyn lahaa xeerka cunaqabateynta Iran, oo qeybo ka mid ah la hakiyey sanadkii tagay kadib heshiiskii caalamiga ahaa ee Nuclear-ka ee lala galay Tehran.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa marar badan ku celiyey in cunaqabteynaha Iran dib loo soo cusbooneysiin doono haddii Iran ay jebiso heshiiska Nuclear-ka.

Hase yeeshee Corker waxa uu sheegay in Mareykanka uu lumin doono awooddiisa, haddii cunaqabateynta ay dhacdo.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Obama ayaa sheegay in diiradda iminka la saari doono fulinta heshiiska iyo xaqiijinta in Iran ay soo geba gebeyso tallaabooyinka heshiiska Nuclear-ka.

XS
SM
MD
LG