Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii Awdheegle


Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed Cali Baashi
Abaanduulaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed Cali Baashi

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Somaliyeed Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar, ayaa wareysi uu siiyey VOA-da uga hadlay weerarka.

Weerarkii saqdii dhexe ee habeenkii talaadada lagu qaaday degmada Awdhiigle ee lagu bar tilmaameedsaday saraakiisha Al-Shabaab ayaa waxaa soo baxaya inay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dayuurado iyo tasiilaad kale ay ciidamada Mareykanka ku caawiyeen kuwa Soomaalida, oo weerarka kaligood fuliyey.

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa weerarkaasi ka wareystay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Somaliyeed Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.

Wareysi: Abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliyeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00

XS
SM
MD
LG